Tababarkan oo qaatay hal maalin ayey aqoon korodhsi mihiim ah ka faa’iidaysanayeen xubnaha Dalada Buurdhaab khabiir Eng Yaasiin oo ku takhakhusay Arrimaha Biyaha iyo dabeecada dhulka waxaana uu daaranaa ogaalka dabeecadaha deegaanada Gobolada Togdheer, Sanaag, Sool iyo Saaxil, sidoo kale kala duwanaanshaha deegaanka iyo ciida waxa sidoo kale lagu bartay dhalan roga ku yimi deegaanka, sida looga faa idaysan karo deegaanka looguna celin karo noloshii dabiiciga ahayd, iyo deeganada sida looga helo biyo.




Waxa tababar aqooneedkan sidoo kale wax badan lagaga fahmay qabashada biyaha roobka iyo dhan ka kale sidii loo manafacaadsan lahaa biyaha dhulka hoostiida ku jira.








