Sawiro: Wejigii labaad ee xog-ururinta Madasha Buurdhaab iyo Gobolka Saraar.

Hawl wadeeno ka socda Madasha indheer garadka ee Buurdhaab ayaa socdaal xaal ogaal iyo xog-ururin ah ku soo maray Degmooyinka Gobolka saraar.

Xog-ururintan oo daaranayd sidii wax looga ogaan lahaa xaalada Baahiyaha aas-aasiga ah ee nolosha Bulshada Gobolka saraar waxay ku gaadheen Degmooyinka Wadaamagoo, Caynaba iyo Oog halka qayb labaad oo ka socday Madashu ay gaadheen Degmooyinka War-idaad , Ceelal iyo Dhanaano oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Saraar.

Guud ahaan lixda degmo iyo deegaanada hoos yimaada ayey dhalinyarada iyo aqoonyahanka ka socday Madashu ka dhegaysteen warbixinta xaaladaha nololeed ee aas-aasiga ah sida Caafimaadka , Biyaha iyo Waxbarashada, maayirada degmooyinka iyo masuuliyiinta kala duwan ee deeganadaasi ayaa si balaadhan u soo dhaweeyey hawsha iyo shaqada ay Madasha Buurdhaab ku hawlan tahay.

Madasha Buurdhaab ayaa si faah-faahsan u soo bandhigi doonta barnaamijkan marka uu soo dhamaado iyadoo wejigii hore laga soo qabtay qaar ka mida Degmooyin hoos yimaada Gobolka Togdheer dhawaana loogu bixidoono Socdaalkan xaal ogaal ka ah Gobolo kale.

Madasha Buurdhaab ayaa u aas-aasan waxtarka iyo kor u qaadida xaaladaha Bulshada ee dhibaatooyinku ka jiraan taas oo isu xil qaantay horumarinta bulshada deegaano kala duwan oo Somaliland ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Valerie Rodriguez

Dolor sit amet, adipiscing elit. Ut elit tellus, luctus nec ullamcorper mattis, pulvinar dapibus leo.

Latest Posts

Software Services

Good draw knew bred ham busy his hour. Ask agreed answer rather joy nature admire.

Madasha Buurdhaab Intellectual Forum, waa madal aan dawli ahayn, Siyaasad ku lug lahayn, macaash doon ahayn, kana shaqayn doonta nabada iyo horumarinta deegaannada beelaha Habar Jeclo.

Ku soo Biir Madasha

Gali Email-kaaga si aad madasha uga mid noqoto

You have been successfully Subscribed! Ops! Something went wrong, please try again.