Midowga Buurdhaab Intellectual Forum iyo Tawfiiq Doctors Association.
Buurdhaab Intellectual Forum oo himiladiisu tahay horumarinta Gobolada Togdheer, Saaxil, Sanaag iyo Saraar iyo Tawfiiq Doctors Association oo himiladiisu tahay horumarinta adeegyada caafimaadka ee Goboladaas ayaa kulamo isdabajooga ah ku yeeshay magaaladda Burco, taasoo keentay in labada dhinac is fahmaan isla markaana ku midoobaan horumarinta Gobolada Togdheer, Saaxil, Sanaag uyo Saraar.
Qodobada Heshiiska waxay u dhigan yihiin sidan:
1. In labada dhinac si rasmi ah u midoobaan isla markaana Tawfiiq Doctors Association kamid noqdaan Madasha Buurdhaab Intellectual Forum.
2. In Tawfiiq Doctors Associations ay si gaar ah ugu xilsaaran tahay horumarinta adeegyada caafimaadka ee Gobolada Togdheer, Saaxil, Sanaag uyo Saraar.
3. In 10 Xubnood oo kamida Tawfiiq Doctors Association ay kamid Noqdaan golaha dhexe ee Buurdhaab Intellectual Forum, saddex xubnood oo kamida tobankaasina ay kamid noqdaan gudida fulinta ee Buurdhaab Intellectual Forum.
Allaa Mahad Leh.



























