Madasha Indheergaradka ee Buurdhaab Forum ayaa tababar iyo kala diris u samaysay xubno ka shaqayn doono xog-ururinta baahiyaha aas aaska ah ee Degmooyin ka mid ah Gobolka Togdheer .
Masuuliyiinta Madasha iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka Bulshada ayaa ku hawlan sidii loo wajihi lahaa xaalada kala duwan ee baahiyaadka aas aaska u ah nolosha iyo dhibaatooyinka ku gadaameen .
Xog ururinta oo ay soo samayn doonaa xubnaha loo tababaray ayaa si gaar ah diirada loogu saarayaa Caafimaadka, Biyaha iyo Waxbarashada.













