Waxaa shalay oo Jimce ah (10/01/2025) ka dhacay hudheelka Barwaaqo ee magaalada Berbera shir ballaadhan oo ay isugu yimaadeen Xubno ka tirsan guddida fulinta ee Madasha Indheergaradka Buurdhaab iyo odayaasha iyo waxgaradka bulsho waynta degta bariga Gobolka Saaxil. Kullankan oo ahaa kii u horeeyey ee ka dhaca magaalada Berbera waxaa ka soo qayb galay 30 xubnood . Waxaa aad la isula lafaguray baahiya iyo dib udhaca dhaqan-dhaqaale ee ka jira degaannada bariga Saaxil iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Allah mahaddii doodo iyo is xogwaraysi dheer ka dib waxaa la isku afgartay la islana qaatay qodobbada hoos ku xusan:
- In la sameeyo xafiis madasha Buurdhaab ku yeelanayso magaalada Berbera ee caasimaadda gobolka Saaxil,.
- In 15 xubnood oo ka mid odayaasha iyo waxgaradka bulshada degta bariga gobolka Saaxil, sida degmooyinka Berbera, Laasciidle, Xagal iyo deegaannada hoostaga ay ka mid noqdaan xubnaha golaha dhexe ee madasha Indheergaradka Buurdhaab, bulshada inta kalena xubinnimada madashu ay u furantahay
- In laga wada shaqeeyo sidii loo dayactiri lahaa Waddada Guban
- In degaanka ballaadhan gubban ilaa xeeb ee adeegyada bulshadu, sida laydhka, caafimaadka, jidadka iyo warbashadu, aanay weli gaadhin la isaga kaashan lahaa sidii adeegyadaas loo gaadhsiin lahaa, Dawladda iyo cidkasta oo ay khusaysana loogula xisaabtami lahaa, looguma daba geli lahaa.
Xubnaha Guddida Fulinta ee Buurdhaab:
- MAXAMUUD CABDILAAHI MUUSE (G/X , Ahna ku simaha Guddoomiyaha)
- Dr..AXMED XASAN CAWD (Madaxa Horumarinta)
- Dr.SALEEBAAN AXMED XIRSI (Madaxa Dhaqaalaha)
- Xil.MUBAARIK YUSUF CILMI ( madaxa isku xidhka laamaha debbedda)
- JAMAAL MAXAMED WARSAME (Xubin golaha dhexe ).
Allaa Mahad leh .



