Sidii hore Madashu ugu guulaysatay inay xog ururin rasmi ah ka samayso baahiyaha aas-aasiga ah ee degmooyinka Gobolada Togdheer iyo saraar waxa markii sadexaad ay hawl wadewnada iyo masuuliyiinta Madashu gaadheen degmooyinka Xagal iyo laasciidle waxaana ay u kuur galeen xaaladaha ku gadaaman iyo baahiyaha ka jira dhinaca adeegyada aas-aaska u ah nolosha sida waxbarshada , Caafimaafka , Biyaha Iwm .





Masuliyiinta iyo waxgaradka degmooyinkaasi oo soo dhaweeyey xubnaha ka socda madasha ayaa si qoto dheer uga xog waramay xaaladaha wax laga waydiiyey waxaana si buuxda looga qaaday xogahaasi oo lagu kaydiyey foomka xogta ee Madasha Indheergaradka ee Buurdhaab.





Waxa sii socon doona safarada xog ururinta iyo xaal ogaalla ee madashu ku hawlan tahay waxaana dhawaan loo bixi doona qaybo kale iyo gobolo kale.
By: Buurdhaab Media