Jimce-11-Oct-2024, waxaa magaaladda Burco ka qabsoomay shirwaynaha golaha dhexe ee Madasha Indheergaradka Buurdhaab Buurdhaab Intellectual Forum oo ay ku midoobeen aqoonyahanka iyo indheergaradka beelaha dega Togdheer, Saaxil, Sool iyo Sanaag.
Madasha Buurbaab oo ah madal aan macaash doon ahayn (Non Profit), siyaasadna aan ku lug lahayn, ayaa dhawaan laga daahfuray magaaladadda Burco, waxaana ku midoobay inta badan aqoonyahanka iyo indheergaradka deeganadda beeshu degto
Kadib kulankii shirwaynihii koowaad ee Golaha dhexe, Wuxuu shirwaynuhu isla qaatay qodobadan:
1. Horumarinta Deegaanada ay beeshu degto sida Horumarinta waxbarashada, Biyaha, Jidadka, Nabadgalyada, waxsoosaarka iyo kobcinta illaha dhaqaale
2. Shirwaynuhu wuxuu isla qaatay dhiirigalinta Cilmi baadhista.
3. Shirwaynuhu wuxuu isla qaatay taageerida dhalinyarada iyo haweenka.
4. Shirwaynuhu wuxuu isla qaatay in Labadii bilood ee kasta mar la qabto Shirwaynaha golaha dhexe.
5. Shirwaynuhu wuxuu isla qaatay in la sameeyo akoonadda qaadhaan ururinta oo dadka oo dhan ay ka qayb qaadan karaan.
6. Shirwaynuhu wuxuu isla qaatay diyaarinta qorshaha Horumarinta deegaanadda oo saddex biloodle ah.
Info@buurdhaab.org







































































