Madasha Buurdhaab oo xog ururin balaadhan ka samaysay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Togdheer.

Kooxo ka socda madasha Buurdhaab oo maalmihii u danbeeyey ku hawlanaa xog ururinta xaaladaha baahiya aas aasiga ah ee qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Togdheer ayaa gaadhay Degmooyinka Qorilugud , Balidhiig , Dhoqoshay , Nasiye iyo deeganada hoos yimaada .

Kooxaha ka baxay Magaalada Burco oo u kala kicitimay dhawr jiho ayaa dhanka kale waxa sidoo kale ay soo mareen Degmooyinka Fiqi-ayuub, Gebogebo , Qoryaale iyo Warcimraan iyo deeganada hoos yimaada Degmooyinkaasi.

Dhalinyarada ka socotay Buurdhaab forum ayaa u kuur galay baahiyaha ku gadaaman Bulshafa Deegaanadaasi ee dhanka Caafimaadka , Waxbarashada iyo Biyaha iyagoo si toos ah ula kulmayey horjoogayaasha goobaha adeegyadaasi bixiya iyo maamulka Degmooyinka oo ay xaal waraysi la yeelanayeen.

Qorshaha hawl qabadkan BUURDHAAB ee xog ururintan ayaa ka mid ah shaqooyinka muhiimka ah ee uu u aas aasan yahay waxaana sidoo kale qayb ka ah sidii baahiyahaasi wax looga qaban lahaa loona gaadhsiin lahaa cidkasta oo masuuliyadi ka saaran tahay .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Valerie Rodriguez

Dolor sit amet, adipiscing elit. Ut elit tellus, luctus nec ullamcorper mattis, pulvinar dapibus leo.

Latest Posts

Software Services

Good draw knew bred ham busy his hour. Ask agreed answer rather joy nature admire.

Madasha Buurdhaab Intellectual Forum, waa madal aan dawli ahayn, Siyaasad ku lug lahayn, macaash doon ahayn, kana shaqayn doonta nabada iyo horumarinta deegaannada beelaha Habar Jeclo.

Ku soo Biir Madasha

Gali Email-kaaga si aad madasha uga mid noqoto

You have been successfully Subscribed! Ops! Something went wrong, please try again.