Shirka 3aad ee Golaha dhexe Madasha Indheergaradka Buurdhaab ayaa si rasmi ah loogu qabtay Hotel Plaza ee Magaalada Burco .
Waxa si rasmi ah Magaalada Burco uga qabsoomay shirka 3aad ee golaha dhexe ee Madasha Indheergaradka Buurdhaab kaasi oo lagu falanqeeyey geedi socodka 2da sano ee soo socda iyo qorsha hawleedka madashu ay qaban doonto.
Xubnaha golaha dhexe ee madasha oo ka kala socday aqoonyahanka qaybaha kala duwan ee bulshada ay buurdhaab matasho kana shaqaynayso horumarka deegamadooda sida Gobolada Togdheer , Sool , Sanaag iyo Saaxil ayaa si faah-faahsan uga waramay xaaladaha iyo baahiyaha guud ee ku gadaaman bulshada iyo nolosha deegaanada kala duwan .
Waxaana hoosta laga xariiqay in madashan Buurdhaab ee ay ku midoobeen aqoonyahanka iyo indheergaradku ay ka madax banaan tahay siyaasadda iyo arrimaha danaha gaarka ah iyagoo si mugleh u taageeray hawlaha shaqada horumarka ay qaban doonto madashu.
Guud ahaan Bulshada deeganada ku abtirsada Buurdhaab ayaa loogu baaqay inay qayb ka noqon karaan iskana diiwaan gelin karaan xubnaha madasha waxaana halkaasi si balaadhan looga mahadnaqay cidkasta oo hore qayb uga ahayd aas-aaska iyo hirgelinta madasha ee dalka iyo dibadaba ku sugan.



























