Shirka 4aad ee Golaha dhexe Madasha Indheergaradka Buurdhaab ayaa ka qabsoomay Plaza Hotel Burco.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray xog ururin muhiim ah oo ay Madashu ka soo samaysay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada bariga Somaliland gaar ahaan Gobolka Togdheer, Saaxil, Sool iyo Sanaag.

Xogtan oo maqal iyo muuqaalba ay ku soo bandhigeen hawl wadeenada ururku ayaa si faah-faahsan ay ugu sharaxeen duruufaha iyo baahiyaha arrimaha bulshada ee ku gadaaman dhulkaasi kala duwan ee aafooyinka dabiiciga ah ay ku habsadeen .

Shirka ayaa golaha dhexe waxa xog buuxda ka siiyey hawlaha qabsoomay iyo xog ururinta laga sameeyey 18 degmo oo ay hoostagaan 220 deegaan kuwaas oo ka tirsan Gobolada Saaxil, Togdheer , Sool iyo Sanaag Gudoomiye ku xigeenka Madasha Buurdhaab Maxamuud Cabdillaahi iyadoo dhan ka kale ay soo jeedin ku saabsan Mawduucyada gaarka ah ee la soo darsay xaaladooda ay halkaasi sharaxaad kaga bixiyeen Dr Axmed oo faham qoto dheer ka soo jeediyey xaalada deegaanka iyo saamaynta abaaraha soo noq noqday ay yeesheen iyo sida looga bixi karo Masiibada joogtada noqotay ee aafaaysay dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.

Dhanka kale Dr Saleebaan Axmed Ayaa isaguna si weyn u sharaxay xogtq ku saabsan Caafimaadka ee Madashu soo ogaatay isagoo mid mid u dul istaagay dhibaatooyinka jira iyo talooyinka ay xalka u aragto Madashu.

Cabdirisaaq Salaad ayaa isaguna dhankiisa soo jeediyey bandhiga baahida waxbarashada ee ka jirta 18 degmo iyo deegaanada hoos yimaada ee madashu xog ururinta ka soo samaysay isagoo golaha la wadaagay sida wax looga qaban karo iyo xalalka suurta gal ka ah.

Geesta kale xubno ka mid ah Fulinta Madasha iyo golaha dhexe ee oo xubno ka mid ahi ka yimaadeen gobolada saaxil iyo sanaag ayaa bogaadiyey hawl qabadka iyo muhiimada ay leedahay in loo hawl galo sidii ka jawaabista hawshan loo geli lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Madasha Buurdhaab Intellectual Forum, waa madal aan dawli ahayn, Siyaasad ku lug lahayn, macaash doon ahayn, kana shaqayn doonta nabada iyo horumarinta deegaannada beelaha Habar Jeclo.

Ku soo Biir Madasha

Gali Email-kaaga si aad madasha uga mid noqoto

You have been successfully Subscribed! Ops! Something went wrong, please try again.